Thursday, May 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

M/weyne ku xigeenka Somaliland oo ka qeybgalay furitaanka bandhigii 12-aad ee carwada buugaagta Hargeysa

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah u furay Carwadahada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa 2019 oo ah sannadii 12-aad ee Hargeysa lagu qabto.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair oo sannadkan dalka Masar marti ku yahay, waxaa ka soo qaybgalay 92 Xubnood oo kala kala socda 23 dal, Safiirrada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub Nicolás Berlanga, Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, Qorayaal,  Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Obama, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Ugu Horreyn, waxa Kulankaas Carwada 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeyas Jaamac Muuse Jaamac oo sharraxay martida joogta iyo waxay carwadan 12-aad kaga duwan tahay Bandhigyadii ka horreeyey.

Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay, Adna Aadan Ismaaciil, Wasiirka horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire.
Labada Safiir iyo Safiir-ku-xigeenka.

Gabagabadii waxa furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, oo halkaa ka jeediyey hadal uu ugu mahad-naqay marti-sharafta kala duwan, isla markaana kaga hadlay siday u kala duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

W/Q: Weriye Cade Key Tirii
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...