Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

XOG: Maxaa ka jira in Farmaajo uu Cunaqabateen saaray Somaliland?

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar kamid ah Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somali-land ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Dhexe.

Xildhibaanadda iyo Sanataradda ayaa sheegay in Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Farmaajo oo hogaamiya dowladda haatan jirta uu Somaliland saaray cunaqabateyn tan iyo markii la doortay.

Geesta kale, Xildhibaanadda waxa ay beeniyeen hadalkii Raisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay fasaxday Markabkii ku xayirnaa Dekedda Jeddah ee Xoolaha siday.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu cunaqabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo markii la doortay,islamarkaana dowladiisa ay burburisay heshiisyaddii ay horay u wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...