Muuse Biixi: ”Farmaajo waxaan kala kulanay cadaawad aanu arag 28-kii sano”

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa eedeen u jeediyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Mar uu hadal ka jeedinyay casho-sharaf qasriga madaxtooyada loogu sameeyay safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka,ayuu sheegay In Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladiisa ay Somaliland saareen Cunaqabateyn aysan arkin Muddo 28-sano ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hor yimid Guddiga wada-hadalka uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Magacaabay.

”Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Soomaaliya oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha Dowladda Soomaaliya kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga.

”Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.comĀ