Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani kala hadlay tallaabadii uu maamulkaasi xabsiga ugu taxaabay guddiga dhismaha waddada Boosaaso.
Wuxuu ugu horreyn madaxweyne Farmaajo kala hadlay hoggaamiyaha Puntland xoojinta xariirka wada shaqeeyneed ee ka dhexeeya maamulkaa iyo dowladda federaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay hoggaamiyaha Puntland in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona ka codsaday u in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Dowladda Soomaaliya ayuu madaxweynuhu tilmaamay in ay ka go’antahay in si siman ay dalka u gaarsiiso mashaariicda horumarineed iyo kuwa adeegga bulshada oo ah kuwo ku jaango’an qorshayaasha heer qaran iyo mid maamul goboleed.
Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadi’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.
Hadalka labada masuul ayaa yimi xilli maamulka Puntland uu Khamiistii xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan guddiga dhismaha waddada Boosaaso kuwaasoo uu maamulku ku eedeyay wax is daba marin iyo shaqo gudasho la’aan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com