Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo soo dhaweysay mowqifka Galmudug & Hirshabeelle

Baydhabo (Halqaran.com) – Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa taageeray go’aanadii ka soo baxay Galmudug iyo Hirshabeelle ee ku taageereen in dalka uu doorasho aado.

Koonfur Galbeed ayaa tiri “Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, iyada oo ka duulaysa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka waxa ay ku talinaysaa qodobadan soo socda;

  • In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Septembar 2020 iyo talo-soojeedintii ka soo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.
  • In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
  • In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
  • Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...