Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhaweeyay War-murtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Jubbaland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay ka xunyihiin dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, iyagoona uga tacsiyadeeyay cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay.
Waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeen in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





