Wednesday, April 29, 2026
28.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Khudbad u jeedinaya Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in caawa uu khudbad u jeediyo shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa khudbadiisan kaga warbixin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dowladda ay ka tanaasushay labadii sano ee baarlamaanka uu ugu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ee Facebook.

Khadbadda Madaxweynaha ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Ra’iisal Wasaare Rooble uu sheegay in dalka laga qaban doono doorasho heshiis lagu yahay, kuna saleysan heshiiskii 17-kii September.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...