Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in caawa uu khudbad u jeediyo shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa khudbadiisan kaga warbixin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dowladda ay ka tanaasushay labadii sano ee baarlamaanka uu ugu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ee Facebook.
Khadbadda Madaxweynaha ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Ra’iisal Wasaare Rooble uu sheegay in dalka laga qaban doono doorasho heshiis lagu yahay, kuna saleysan heshiiskii 17-kii September.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com