Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday guddiga soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka labaad

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Baydhabomaanta looga dhawaaqay Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed, xilli Xildhibaanada lagu wado in lagu soo xulo Magaalada Baydabo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu soo magacaabay Guddiga Madaxbannaan ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad.

Agaasimaha ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed, laguna soo magacaabay Guddigan oo ka kooban toban xubnood.

Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Keerow Maxamed, iyadoo uu Gudoomiye Kuxigeenku yahay Nuradiin Ibraahim Aadan, halka Aadan Maxamed Cali loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Guddiga.

Saddex ka mida Guddiga Farsamada ayaa ah dumar, kuwaa oo kala ah Faadumo Maxamed Axmed, Amina Cumar Maxamed iyo Caasha Ibraahim Cali.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...