Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Baydhabomaanta looga dhawaaqay Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed, xilli Xildhibaanada lagu wado in lagu soo xulo Magaalada Baydabo.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu soo magacaabay Guddiga Madaxbannaan ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad.
Agaasimaha ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed, laguna soo magacaabay Guddigan oo ka kooban toban xubnood.
Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Keerow Maxamed, iyadoo uu Gudoomiye Kuxigeenku yahay Nuradiin Ibraahim Aadan, halka Aadan Maxamed Cali loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Guddiga.
Saddex ka mida Guddiga Farsamada ayaa ah dumar, kuwaa oo kala ah Faadumo Maxamed Axmed, Amina Cumar Maxamed iyo Caasha Ibraahim Cali.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com