Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan gaari ciidan oo lagu qarxiyay deegaanka Siinka-dheer

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa qarax miino lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miino, ayaa qabsaday gaariga xilli uu maraayay nawaaxiga deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada.

Ciidamadii saarnaa gaariga ayaa waxaa soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sidoo kalena gaarigii qaraxa miinada lala eegtay ayaa burbur uu soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaa Warbaahinta waxa ay u xaqiijiyeen laba Askari inay ku dhinteen qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Inkastoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay tahay mid xiran oo aysan marin gaadiidka shacabka, ayaa hadana gaadiidka Militariga halkaasi marka ay marayaan waxa ay la kulmaan qaraxyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...