Saturday, June 20, 2026
27.5 C
Mogadishu

Nin si bareer ah u dilay Wiil Afar jir ah oo la soo qabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Kadib hawlgal ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeenley ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen shakjsiyaad kala duwan.

Dadka la soo qabtay oo ku eedeysan burcadnimo ayaa waxaa ku jira nin maalmo ka hor wiil yar oo afar jir ahaa si macno la’aan ah u dilay wiilkaasi, ka dib markii uu xabad ku dhuftay.

Ninkan ayaa wuxuu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Dharkeenley, waxaana lagu wadaa in la geeyo maxkamadda, si sharciga loogu qaado.

Ragga kale ee burcadda ah ee ciidamada ay soo qabteen, oo gaaraya illaa 5 ruux ayaa ku eedeysan inay dhac u gaysan jireen dadka ku nool xaafadaha Degmada Dharkeenley.

Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkeenley waxa ay Halqaran.com u sheegeen inay kordhinayaan hawlgalada ammaanka ee degmadaasi laga sameeyo.

Maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool Degmada Dharkeenley ayaa ka cabanayay dhaca ay ku hayaan kooxaha burcadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...