Wednesday, November 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Kenya oo Turkiga ka soo iibsaneysa gaadiid ay kula dagaalanto Al-Shabaab

Kenya (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa sidii Turkiga uga soo iibsan laheyd gawaarida Gaashaaman iyo gaadiid kale, si ay ugu adeegsato howlgallada ay ciidamada Kenya kula dagaalamayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kenya ayaa gawaarida nuuca gaashaaman ka iibsaneysa shirkadda Turkiga ah ee Otokar taasi oo soo saarta qalabka iyo gaadiidka ciidamada.

Gaadiidkaan gaashaaman ee ay soo saarto shirkadda Otokar ayaa waxaa mid kiiba uu xambaari karaa 12 askari oo uu ku jiro darawalka iyo hubkooda.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay si rasmi ah bisha July heshiis ku aadan gaadiidkan la saxiixato shirkadda Otokar.

Shirkaddaan Turkiga ayaa horey waxaa ay gaadiidkan uga iibisay dalal kale oo Afrikan ah kuwaasi oo aan la carrabaabin.

Ciidamo ka socda Kenya oo ku howlgalla magaca howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira ururka Al-Shabaab

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...