Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

KENYA oo si aan gambasho laheyn u sheegtay in ay difaacayso m/weynaha Jubbaland Axmed Madoobe!

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa si aan gambasho laheen shaaca ka qaaday, in ay difaacayso Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo loolan dhanka siyaasadda ah kala kulmaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Hivisasa ayaa qoray war laga soo xigtay Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna oo sheegaya in Ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin magaaladda Kismaayo, ama meel ka mid ah Jubbaland, sababo la xiriira xulafaysiga Madaxweyne Axmed Madoobe.

Mr. Paul Njuguna ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna ayaa beeniyay wararka ku aadan in Ciidamadda Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo, islamarkaana magaaladda la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...