Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Maxay ka wada hadleen Odayasha Beelaha Hawiye iyo RW ku-xigenka dalka ee kulmay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa Tallaadadii maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka beelaha hawiye ee dhawaan magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda dhaqanka Beelaha Hawiye, ee uu hoggaaminayay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidiyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loogu soo dhaweeyay Hargeysa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa madaxweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Sidoo kale, odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniintaas Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan.

Wuxuuna ku dhiirrageliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ee maanta la kulmay Mahad Khadar ayaa intuu uu socday kulanka ka codsadeen in la soo daayo oo iyna cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Xabsiyada Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...