Riyad (Halqaran.com) – Boqor Salmaan ka Sacuudi Carabiya ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ku daray martida boqorka sanad walba ku martiqaado gudashada Waajibaadka Xajka.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga Salman Bin Cabdilcasiis, taasoo uu kaga mahadcelinayo martiqaadkaasi, kuna xusayo xiriirka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, ayaa warqadaasi ku sheegay, in Somaliland tahay dal madax bannaan, isagana ay masuuliyadiisa tahay ilaalinta sharafta iyo qarannimada Somaliland.
Sidaas awgeedna loo soo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, in loo sameeyo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya.
Mr. Biixi ayaa warqaddiisa ku muujiyay in aanu martiqaadka Boqorka ku tagi doonin xajka, haddii aan la fulin qodobbada uu dalbaday.
Ma jirto wax jawaab ah oo ku saabsan warqadaasi oo ka soo baxay dhanka boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo dalabka madaxweynaha Somaliland Muuse Biix.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com