Kismaayo (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada Indha-shareerka ( Niqaabka), Arrintaan ayay sheegeen in ay ciidamadu uga gol leeyihiin adkeynta amniga maadaama ay cadowga ummaddu u isticmaali karaan falal amniga liddi ku ah.
Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kasoo baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada Indha-shareerka xilligaas oo ay kooxda Al-Shabaab isku dayeen in ay rag usoo galiyaan indhashareer si ay isugu ekaysiiyaan dumarka kaddibna kaddibna ay sameeyaan falal lid ku ah amniga.
Taliyaha ciidamada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in la adkeeyay joojinta xirashada Indha-shareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





