El Salvador (Halqaran.com) – Nin horay uga tirsanaa booliska waddanka El Salvador ee ku yaalla qaaradda Amerika ayaa hoygiisa laga helay meydadka ugu yaraan 24 ruux, sida ay sheegeen saraakiisha booliska waddankaas.
Qabuuraha la helay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan meydadka illaa 40 ruux oo intooda badan ay yihiin haween da’ dhexaad ah iyo gabdho yar yar.
Hugo Ernesto Osorio Chavez, oo 51 jir ah ayaa lagu xiray magaalada Chalchuapa kaddib markii lagu eedeeyay dilka haweeney 57 jir aheyd iyo gabadheeda oo 25 jir aheyd, isagoona qirtay dilka labadan haween.
Booliska ayaa aaminsan in helitaanka meydadkan ay daaha ka rogi doonaan sirta dilal qarsoodi ah oo socday muddo ka badan toban sano.
Booliska waddanka El Salvador ayaa sheegay in helitaanka qabuurahaan guriga ku qarsanaa uu caddeyn u yahay jiritaanka shabakad dilalka fulisa oo howl galeysay ugu yaraan toban sano.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com