Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalintii saddexaad galay shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida uga furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa dhammeystirka heshiiska 17-kii September oo horey ay u ansixiyeen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo xalinta khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.
Madaxda ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay si weyn dood uga yeeshay qodobo uu ka jiro khilaaf xooggan, una baahan in xal buuxa laga gaaro, si loo qabto doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu u mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiinta u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidii dalku doorasho u aadi lahaa sida ugu deg degta badan.
Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





