Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

Jubbaland oo iska diiday ka qeyb galka shir uu iclaamiyey Farmaajo

Kismaayo (Halqaran.com) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Jubbaland aysan marnaba ka qeyb-geli doonin shir uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shir lamid ah kii Afisyooni oo garwadeen ay ka tahay beesha caalamka, isla markaana ay u simanyihiin metelayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaan oo kale Puntland ayaa horay shuruudo ugu xirtay ka qeyb galka shir uu door ku leeyahay Farmaajo.

Habeenkii Talaadada ee todobaadkii hore khudbad uu jeediyey Farmaajo, waxa uu ka dhawaajiyey in shir deg deg uu isugu yeerayo dowlad goboleedyada, sidoo kale habeenkaas waxa uu balan qaaday in Sabtida maanta ah uu hor tegayo xildhibaanada golaha shacabka, maadaama uu socon waayey muddo kororsigii ay sameysteen 12-kii bishii hore ee Abriil.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...