Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Wafdi ka socda Qadar oo ku soo wajahan Somaliya (Ogow Ujeedka)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi ka socda dowladda Qadar ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Caasimadda Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan daddaallada lagu doonayo in doorasho wada-ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Dowladda Qadar ayaa Ergay cusub oo lagu Magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo ahaa ninka hoggaaminayay wadahadallada lala galayay Taalibaan u soo diri doonta Soomaaliya.

Ujeedka wafdigan ayaa waxaa la sheegayaa, in ergayga Qadar uu doonayo inuu la kulmo dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka.

Qadar ayaa xiriir wanaagsan la leh DF Soomaaliya, waxaana mashaariic badan ay ka hirgelisay gudaha dalka Soomaaliya.

Dadka lafa-gura arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in ergeygan uu iskudayi doono sidii uu u xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Si kastaba, waxay aheyd toddobaadkii hore markii wasaaradda arrimaha dibada ee Qadar beenisay in lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha nabad-sugidda Fahad Yasin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...