Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo berri hortagaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Sabtida berri oo ku beegan 01-da bisha Maay yeelanaya kulan gaar ah oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku hortegayo Golaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad u jeedin doono Golaha Shacabka Baarlamaanka, toosi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u sugayaan.

Madaxweynaha ayaa ku shaaciyay kulankaas habeennadii Arbacada ay soo galeysay ee todobaadkaan xilli shacabka Soomaaliyeed uu u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay Xaaladda guud ee dalka, isla markaana uu balanqaaday in uu hortagi doono Baarlamaanka si loogu laabto wada hadaladii arrimaha Doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...