Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Sabtida berri oo ku beegan 01-da bisha Maay yeelanaya kulan gaar ah oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku hortegayo Golaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad u jeedin doono Golaha Shacabka Baarlamaanka, toosi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u sugayaan.
Madaxweynaha ayaa ku shaaciyay kulankaas habeennadii Arbacada ay soo galeysay ee todobaadkaan xilli shacabka Soomaaliyeed uu u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay Xaaladda guud ee dalka, isla markaana uu balanqaaday in uu hortagi doono Baarlamaanka si loogu laabto wada hadaladii arrimaha Doorashooyinka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com