Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulan deg deg ah, kaas oo dib loogu noqonayo go’aankii ay dhawaan ku sameysteen mudo kororsiga.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hor-tegaya xildhibaanada golaha shacabka, wuxuuna ka hor jeedin doonaa khudbad ku saabsan arrimaha doorashada dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii tegay balan qaaday in Sabtida maanta ah ee 1-da bishan May uu hor-tegi doono xildibaanada golaha shacabka.
Balan qaadka madaxweynaha waxa uu yimid markii fashil iyo cadaadis xoog leh uu soo wajahay go’aankii ay muddo kororsiga ku sameysteen, isaga iyo xubnaha golaha shacabka.
12-kii bishii dhammaatay ee April ayey xildhibaanada golaha shacabku ku dhiiradeen inay laba sano ku kordhistaan muddo xileedkooda, balse taasi waa socon weysay, waxayna kaliftay in lagu dhex dagaalamo caasimadda, kadib markii ciidankii xoogga dalka uu furimaha ka soo baxay, isagoo ka hor tegaya muddo kororsiga.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





