Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Rooble “Waxaan xoogga saarayaa hormarinta, abuuridda fursado shaqo iyo dhowridda xuquuqda shaqaalaha”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta shaqaalaha Adduunka awgeed oo ku asteysan maanta oo kale 1-da bisha May.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka awgeed hambalyo u diray shaqaale-weynaha Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shaqaalaha iyo qoysaskooda u rajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...