Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

James Swan oo ka hadlay weerarkii Madaafiicda ee Xerada Xalane

Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee Talaadadii maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xerada Xalane ayaa ka dhex dhisan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al-Shabaab, oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa xeradaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda ah ee Al Shabaab ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey oo warkan ku sheegay qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho.

Warka waxaa lagu sheegay inaanay madaafiicdaasi waxyeelo ka soo gaarin Shaqaalaha Qaramada Midoobey, isla-markaana aanu wax burbur ahi ka soo gaarin xaruntooda ku dhex taala Xerada Xalane.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laba ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen madaafiicdaasi, sidoo kalena uu burbur aan buurnayn ka soo gaaray dhismooyinkooda.

“Waxaan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa ku dhaawacmay meelo kale oo Garoonka Diyaaradaha ah.”

“Inkastoo ay jiraan falal noocaan oo kale ah oo rabshado wata, saaxiibada Somaliya ee caalamka waxay weli ku adkeysanayaan inay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan taageerada horumarinta ee dalka.” Ayuu yiri James Swan.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan madaafiic ku weeraray Xerada Xalane, halkaasoo ay degan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye, sidoo kalena uu ku yaalo saldhigga ugu weyn ee Hawlgalka Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...