Madaxweynaha Hirshabeelle oo wareegto ku magacaabay Wasiiro

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay saddex Wasiir oo cusub, isagoona xilka ka qaaday Wasiiro hore.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Maxamed Cumar Ceymoy loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Xildhibaan Saalax Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.

Sidoo kale, Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Halka hoose ka akhriso Wareegtada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com