Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Is hortaag lagu sameeyay Kolonyo uu la socday Madaxweyne Waare oo iska horimaad ka dhashay

Beledweyne (Halqaran.com) – Inta la ogyahay hal qof ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay, kadib markii maleeshiyo hubeysan ay ishortaag ku sameeyeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Israsaaseyntan ayaa ka dhacday deegaanka Ceelgaal ee duleedka Beledweyne, halkaasi oo uu marayey Madaxweyne Waare oo ku sii jeedey degmada Jawiil ee gobalka Hiiraan, oo qiyaastii Beledweyne u jirta 30 KM.

Warku wuxuu intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkiisa ay ku sii jeedeen degmada Jawiil, si uu usoo dhagax dhigo mashaariic kala gaddisan oo Jawiil laga fulinayo.

Waxaa kal hore degmada Jawiil u gaaray guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo mas’uuliyiin, kuwaas oo doonayay inay soo dhaweeyaan wafdiga madaxweynaha.

Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyada ishortaagga sameeyay ay ka careysnaayeen qorshe madaxweyne Waare uu ku doonayo in Jawiil ay ku noqoto degmo buuxda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...