Saturday, May 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

DEG DEG: Meydadka 9 dhallinyaro ah oo la soo dhigay duleedka Balcad

Balcad (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in duleedka Magaalada Balcad la soo dhigay meydadka Sagaal dhalinyaro ahaa oo la dilay.

Dhalinyaradaan oo la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey, isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen, isla markaana maanta meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Laba ka mid dhalinyarada la dilay ayaa si wayn waxaa looga yaqaanaa Magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, balse hawlo shaqo ayeey u tageen Gololeey.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen shalay in dhalinyaradan la afduubtay, maantana maydkooda sidaasi lagu soo dhigay deegaanka Gololey.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee la dilay dhalinyaradan, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya dilka wiilashan dhalinyarada ah inuu salka ku haayo arrimo aano qabiil.

Maydadka dhalinyaradan ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana la geynayaa Xarunta C.I.D ee Booliska Soomaaliya, si baaritaano loogu sameeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...