Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Khamiistii maanta Degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir dil loogu gaystay nin Nabadoon caan ahaa iyo askari ilaalo u ahaa, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Halqaran.com.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud, halka qofka lala dilay uu ahaa Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Dilka ayaa dhacay xilli ay labada marxuum fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha, Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad.

Nabaddoonkan ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen meydka labada Marxuum, waxaana ay sameeyeen baaritaan bilaa natiijo ah.

Maamulka Degmada Yaaqshiid kama aysan hadlin dilka ka dhacay Degmadaasi, waxaana muddooyinkii dambe ammaanka Degmadaasi uu ahaa mid sii xumaanaayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa gaysta dilalka noocaan oo kale ah ee loo gaysto Odayaasha Nabadoonada ah ee dowladda xiriirka la leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...