Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Intee buu marayaa wada-hadallada laga dhex billaabay Deni iyo Karaash?

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo wareegtooyin magacaasi iyo xil ka qaadis isugu jiray soo saarayay dhawaanahaan ayaa dhalisay khilaaf ballaaran oo hareeyay dowlad goboleedka Puntland xilli madaxweynaha maamulkaasi uu ku suganyahay Muqdisho, isaga oo u sharaxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Shantii bishaan May ayuu ku simaha madaxweynaha Puntland xil ka qaadis ku sameyay saddex kamid ah golaha wasiirada maamulkaas isaga oo sidoo kalana saddex wasiir oo kale u magaacabay jagooyinkaas.

Balse illaa hadda lama oga dhaqangalka isbadelkaasi.

Guddi ka kooban dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa magaalada Bosaaso kula kulmay madaxweyne ku xiigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), si ay xal ugu gaaraan khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Deni.

Maxamed Axmed Cabdi Xaraf oo ka mid ah xubnaha xildhibaannada ah ee la kulmay madaxweyne ku xigeenka ayaa laanta AfSoomaaliga ee BBC-da u sheegay in ay u sheegeen Axmed Karaash in Puntland tahay baarlamaani isla markaana arrimaha jira hoos loo dheemayo uuna madaxweyne ku xigeenku ku laabto magaalada Garoowe.Wuxuu sheegay Maxamed Axmed in wali ay u socdaan kulamo looga sii wadahadlayo arrimaha taagan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...