Thursday, June 25, 2026
25.7 C
Mogadishu

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Norway

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee DF Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Axadda maanta ah kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalka Soomaaliya Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa bogaadiyay doorka wakiilada Beesha Caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.

Tan iyo markii la doortay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa kulamo kala duwan ka wadaa magaalada Muqdisho, wuxuuna horey ula kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay doorashada Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...