Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Hay’adda WHO oo baaq ka soo saartay dib u furista duulimaadyada Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ha’yadda Caafimaadka Adduunk (WHO) ayaa ugu baaqday Dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli Dalal kala duwan oo ka tirsan Qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada.

Hay’adda WHO ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Fayraska Corona, waxanay codsatay in shirkadaha Diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika Drs. Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha Dalalaka Gobolka, balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.

Drs. Matshido Moeti ayaa ka codsatay saraakiisha Garoomada Diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha Dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.

Sidoo kale, WHO waxay sheegtay in dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u billaabeen dulimaadyadooda.

Baaqa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku soo beegmaya,  xilli ay DF Soomaaliya ku dhowaaqday in Maalinta Berri ah (Axadda) oo ay Taariikhdu ku beegan tahay (05.07.2020-ka) ay dib u furi doonto duulimaadyada gudaha Dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...