Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Faah-faahin: 5 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyay, shan qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka lix kalane ay ku dhaawacmeen, kaddib qarax la dhigay maqaayad laga cunteeyo oo u taalla koontaroolka Koonfureed ee magaalada Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen dadka goobta ka dhawaa.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dadka ku dhintay qaraxaasi iyo kuwa dhaawacay ay ku jiraan haween.

Dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa u gurmaday ciidanka booliska oo durba goobta gaaray iyo dad shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu daweynayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay baaritaan ay sameeyeen ciidanka ammaanka ee magaalada Baydhabo.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse saraakiisha booliska K/Galbeed ayaa sheegay Al-Shabaab ay ka dameeysay qaraxaasi oo ay ku laayeen dad aan waxba galabsan oo shacab ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...