Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha KGS Laftagareen oo wasiirro xil ka qaadis ku sameeyay, kuwo kalena magacabay

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xassan Mohamed (Laftagareen) ayaa Xil ka qaadis ku sameyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada , Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u magacaabay Suleebaan Shucayb Ali inuu noqdo Wasiirka Batroolla iyo Macdanta Maamulka Koonfur Galbeed, sida ku cad wareegtada.

Warar hoose oo ay heshay Halqaran.com, ayaa sheegaya in xil ka qaadista wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed loo aaneynayay arrimo kala duwan, sida cod sir ah oo horey looga duubay bilo ka hor, markii madaxweyne Laftagareen uu weydiistay Baarlamaanka in muddo sanad ah loogu daro, si ay isku mar u dhacaan.

Haddaba halka hoose ka akhriso wareegtada Xafiiska Madaxweynaha KGS:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...