Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Guuleed oo sheegay in dowladda Farmaajo ay ku fashilantay wada-hadallada Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku bogaadiyay amniga ay heystaan Somaliland oo maanta xus kooban u sameeyay 29 sano kaddib markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya.

Wasiir hore ee Amniga ee Soomaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay, in uu ka mid ahaa dadkii hormuudka ka ahaa wada-hadalladaii DF Soomaaliya iyo Somaliland, balse dowladda Farmaajo ay ku fashilantay, inay sii wado wada-hadalladaasi, sida uu yiri.

Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka Mr. Guuleed ee uu soo dhigay Facebook.

Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan.

Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, faham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed.

Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa iney walaallaheen reer Somaliland dabacsannaan muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiican oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ayaan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Somaliland iyo midnimadda dalka.

Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma jiri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wadahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsanaya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaawdo wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay.

Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyadda Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in howsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan isxambaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiyaano.

Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa waqtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somaliland oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Mahad-badan

Abdikarim Hussein Guled

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...