Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya maanta halkaasi inuu ka dhacay dagaal Khasaare gaystay oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkaasi uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Taaroge oo ka tirsan Gobolka Mudug, wuxuuna dagaalkan uu socday dhowr saacadood.

Waxaa la xaqiijiyay in saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen, halka Shan kale ay ku dhaawacmeen

Maleeshiyaadka dagaalamay, ayaa waxa ay isku haystaan dhul daaqsimeed iyo falal la xiriira dilal aanooyin qabiil ah oo horay uga dhacay deeganadaasi.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalka uu si iskiis ah u istaagay, waxaana jirta cabsi la xiriirta in mar kale halkaasi uu dagaal ka sii qarxo.

Waxa aheyd, isla bishan Maay gudaheeda, markii dagaal la xiriira aanooyin qabiil uu ka dhacay deegaanka Taaroge, balse Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo khadka teleefanka kuwada hadlay ay balanqaadeen inuusan soo laaban doonin dagaalkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...