Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda maamulka Puntland.

Mr. Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ku-xigeenadiisa, Xildhibaano, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxa uu kulamo la qaadan doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo  Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Ilaa iyo hadda lama sheegin, ujeedka rasmiga ah ee Guddoomiye Aadan Madoobe ee uu ku tagay magaalada Garoowe.

Balse kulamada uu la qaadan doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...