Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo weerar lagu dhaawacay

Pakistan (Halqaran.com) – Imran Khan, ra’iisul wasaarihii hore ee  dalka Pakistan ayaa maanta laga dhaawacay lugta, kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

“Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u sheegay Reuters. Mr. Khan ayaa la dhigay isbitaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad. Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

“Imran Khan iyo saaxiibkiis xisbiga Faisal Javed ayaa ku dhaawacmay rasaas. Khan waxay xabadda kaga dhacday kal-dheerta, waxaana labadooda loo qaaday isbitaalka,” ayuu Chaudry u sheegay Reuters.

Javad oo dhiig uu ka buuxay dharkiisa ayaa isaga oo isbitaalka ku jira u sheegay taleefishinka Geo “qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeena ayaa dhaawacmay. Waxaan maqlanay in mid ka mid ah uu dhintay.” Nin lagu tuhmayo weerarka ayaa la toogtay sida uu sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Khan.

Ugu dambeyn, R/Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyey toogashada, wuxuuna amray wasiirka arrimaha dibedda inuu ku sameeyo baaritaan deg deg ah.

Halqaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...