Sunday, March 15, 2026
29.4 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada ee uu guddoominayay RW Xamse?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa, welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalka lagu baacsanayo Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...