Saturday, March 14, 2026
26.8 C
Mogadishu

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Guddoomiyeyaal cusub u magacaabay Degmooyinka, Hodan, Boondheere iyo Waabari.

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Hodan, Boondheere iyo Waabari ee magaalada Muqdisho.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Boondheere loogu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar (Maxamed Deeyoow), waxa uuna bedelayaa Guddoomiyihii hore Seynab Yuusuf Wehliye.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Sayid Cali, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Sugaal Sugaal Cali Ayaanle, halka Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax.

Ugu dambeyn, wareegtooyinka xilka qaadista iyo magacaabista ee ka soo baxday Xafiiska duqa Muqdisho ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...