Wednesday, December 10, 2025
28.3 C
Mogadishu

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay Shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabanayo Baydhabo

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo tabashooyinka ka dhex jira bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayuu dalbaday in Shir dib u heshiisiineed oo ay ka soo qeyb galaan siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada lagu qabto magaalada Baydhabo.

Ujeedka shirkaan ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo tabasha walba oo bulshada dhex-deeda ka jirta iyo adkeynta midnimada dadka Koonfur Galbeed, kadibna laga wada qeyb galo dib u xorreeynta deegaannada Maamulka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa cid walba oo ay khuseyso arrintaan ka dalbaday inay ka soo qeyb galaan shirka, sidoo kalena ka codsaday hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qaataan kaalintooda ku aadan shirka.

Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Gudoomiye Aadan Madoobe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...