Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo tabashooyinka ka dhex jira bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayuu dalbaday in Shir dib u heshiisiineed oo ay ka soo qeyb galaan siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada lagu qabto magaalada Baydhabo.
Ujeedka shirkaan ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo tabasha walba oo bulshada dhex-deeda ka jirta iyo adkeynta midnimada dadka Koonfur Galbeed, kadibna laga wada qeyb galo dib u xorreeynta deegaannada Maamulka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa cid walba oo ay khuseyso arrintaan ka dalbaday inay ka soo qeyb galaan shirka, sidoo kalena ka codsaday hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qaataan kaalintooda ku aadan shirka.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Gudoomiye Aadan Madoobe:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com