26.9 C
Mogadishu
Monday, November 28, 2022

RW Xamse “Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo Khamiistii maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, ayaa caddeeyay in dalku  uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda  ku aadaan  dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

RW Xamse ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.

“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka.

RW Xamse Cabdi Barre ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka .

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be...

Ilhan Omar fires back after McCarthy vows to remove her from committees

BY ZACH SCHONFELD / The Hill Rep. Ilhan Omar (D-Minn.)...

Argentina loses to Saudi Arabia in All-Time World Cup upset

BY JAMES BRINSFORD / Newsweek Saudi Arabia has set the...

Somali National Army kills two senior al-Shabaab leaders

At least two senior al-Shabaab leaders have been killed...

KDF will be in Somalia till peace restored – Duale, Kenya’s Defence Minister

Kenya forces working under the framework of the African...
spot_img

Madaxweynha JFS Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyay Furitaanka Shirweynaha Maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfura shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo ay soo agaasintay...

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be shut on the 8th of December in protest over the indictment of a police sergeant...

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la soo afjaray weerarkii Villa Rays

Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar qaatay in ka badan 20 saacadood oo ay Al-Shabaab Ku weerareen magaalada...