Jowhar (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamanka labaad ee ee maamulka Hirshabeelle ayaa Arbacadii maanta doortay guddoomiyaha baarlamanka iyo ku-xigeenkiisa koowaad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa loo doortay Cabdixakiim Luqmaan, kaddib markii uu ka xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo la tartamayay.
Luqmaan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii taageerada ka helayay Villa Soomaaliya sida ay horay u xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle. Wuxuuna helay 78 cod.
Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle xilli doorashada ay ka socotay Magaalada Jowhar.
Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u doortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Hirshabeelle kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





