Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay & tirada dadkii ku dhintay dhul-gariirkii Turkiga oo kordhay

Izmir (Halqaran.com) – Hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ayaa Arbacadii maanta sheegtay in tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay magaalada Izmir ee Turkiga ay gaartay 114 ruux.

Waxay kaloo hay’adda sheegay in dadka ku dhaawacmay dhulgariirkii Jimcadii dhacay ay gaarayaan 1,035 qof (kun soddon shan) kuwaas oo 898 ka mid ah ka baxeen isbitaallada halka 137 qof oo kale ay wali ku jiraan isbitaallada kala duwan ee dalkaas.

Hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ayaa sheegtay in wali la wado dadaallada lagu baadi goobayo dad kale, iyadoo lasoo gabagabeeyay howlihii samatabixinta ee ka socday 15-dhismo oo ka mid ah dhismooyinkii waxyeeladu kazoo gaartay dhulgariirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...