Hargeysa (Halqaran.com) – Maxkamada magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa 5 sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay milkiilaha Tv-ga maxaliga ah ee AstaanTV Cabdimanaan Yuusuf.
Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha AstaanTV 5 Sano oo Xarig ah in Xarumaha Astaan TV ee deegaannada Somaliland la xayiray iyo Ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah Shillinka Somaliland.
Ma jirto illaa iyo hadda sabab cad ah oo uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg, Milkiilaha AstaanTV, kaas illaa bishii July ee sanadkaan ku xirnaa xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Qareenada u doodayay Cabdimanaan Yuusuf ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku riday milkiilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.
Geesta kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan Yuusuf Milkiilaha AstaanTV, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





