Friday, May 15, 2026
27.4 C
Mogadishu

UPDATE: Ilhaan Cumar oo markale dib loo soo doortay

Minnesota (Halqaran.com) – Ilhaan Cumar ayaa saacado ka hor dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Ilhaan Cumar oo 39 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaa 2018-kii waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorto inay xubin ka noqoto Aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa waqtigaas noqday gabdhihii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee ku soo baxa doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Xildhibaanad Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay Aqalka waxa ay maalintaas ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...