Monday, December 15, 2025
26.4 C
Mogadishu

Rag kufsi iyo dil ka geystay Boosaaso oo dil lagu xukumay

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta maxkamad ku taala Magaalada Boosaaso ay xukun dil ah ku xukuntay laba nin oo dhalinyaro ah, kadib markii ay qirteen in kufsi iyo dil u gaysteen gabar 14 jir ahayd.

Labadan nin oo ay gacanta ku soo dhigeen Booliska Gobolka Bari ayaa markii hore ku eedeysnaa oo keliya inay dil u gaysteen Naciimo Cabdi Maxamed, oo 14 jir ahayd, dhacdadaas oo ka dhacday Magaalada Boosaaso, 24-kii bishii hore ee October.

Kufsiga ayaa soo shaac baxay, kadib markii mid ka mida labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Farey uu sheegay inay kufsi u gaysteen gabadhaasi, ka hor inta aanay dilin.

Ninkan ayaa sheegay inay gabadha ku soo kaxeeyeen gaari ay wateen, markii ay kufsadeena ay madaxa ka dulmariyeen gaarigii ay wateen, sidaasina ay ku dhimatay Naciimo Cabdi Maxamed.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isxaaq. Xukunka ayaa ah qisaasta dilkii ay u gaysteen gabadhii 14 jirka ahayd.

Ugu dambeyn, xukunkan ayaa dhacay, iyadoo qareenkii difaacaayay eedeysanayaasha uu maxkamadda ka codsaday in xukunka loo qafiifiyo, maadaama ay qiraal yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...