Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

Guddiga loo xil saaray dadkii lagu laayay duleedka Balanballe oo ka warbixiyay halka ay wax marayaan

Guriceel (Halqaran.com) – Guddiyadii labada ahaa ee loo xilsaaray dhacdadii deegaanka Xirsi Lugeey garabkii aaday dhanka Guriceel ayaa ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uga warbixiyay halka wax u marayaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug Axmad Xasan Cali ayaa sheegay kulamadii ay laqaateen wax garadka reer Guriceel ee uu ugu horeeyo Ugaaska in ay guul iyo isfahan ugu soo dhamaadeen.

Axmed Xasan Cali ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka degmada Guriceel ay la kulmeen ay u soo dhibeen farriin ah in Maamulka Galmudug uu waxka qabto dhibaatooyinka dilalka ah ee kusoo laab laabtay degaannada Galmudug.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in muddo todobaad ah kadib ay dib ugu laaban doonaan degmada Guriceel si Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka degmada ay ugala hadlaan xalka gaarista dhacdadii dadka Shacabka ahaa lagu dilay.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo isna hadlay ayaa balan qaaday in ka Maamul ahaan inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay dilka dadka Shacabka ahaa si Cadaaladda loo horkeeno.

Si kastaba, labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Galmudug kusoo batay Colaad beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiilka, iyada oo ay ku guul-dareesteen Madaxda Galmudug inay waxka qabtaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...