Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen’ oo safar deg-deg ah ku tagaya Degmada Xudur +(WAREYSI)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafgareen) oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaaa filayaa in uu booqasho deg-deg ah ku tago degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo xaalado adag ay ka jiraan xilligaan.

Jimcihii shalay waxaa degmada Xuddur gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Koofur Galbeed ayna kamid yihiin Wasiirka gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo horudhac u ah Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa xiligaan kajira xaalado adag oo Bani’aadanimo, kadib markii ay Al-Shabaab go’doomiyeen.

Waxaana maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay Baraha Bulshada, iyada lagu eedeeyay Xildhibaannada iyo Wasiirada iyo Xildhibaannada Dowladda Federaalka ku metela dadka ku nool degmada Xuddur in aysan dadka degmadaas wax u qaban, isla markaana Hoteelo ku yaal Muqdisho ay lacago qaali ku degan yihiin.

Degmada Xudur muddo sideed sano ah waxaa go’doomin ku haya Al-Shabaab, arrintaas oo shacabka magaalada ku keentay culeys dhanka nolasha ah.

Ugu dambeyn, bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada Xudur, waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolasha muhiimka u ah.

Halka hoose ka dhageyo Wareysi ay BBC-da la yeelatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sii jeeda Degmada Xudur.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...