Saturday, July 11, 2026
24.7 C
Mogadishu

Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Sh/Hoose

Qoryooley (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay maanta ku soo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Aaga degmadaasi Qoryooleey, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkaan kasoo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa degmada Qoryooleey ku soo dhaweeyay taliyaha Ciidamadda Madaniga ah ee degmada qoryooley Col. Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM.

Taliyaha Ciidamadda degmada Qoryooley Korneyl Cali Waaal ayaa ugu baaqay dhalinyaradda hadda ku jirta Al-Shabaab ee ka barbar dagaalama in ay isa soo dhiibaan si aysan u dhibateen dadkooda iyo dalkooda loona fudinaayo cafis.

Sidoo kale, Taliyaha waxaa uu sheegay in amniga ee Degmada Qoryooley uu yahay mid wanaagsan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa degaannada ay maamulaan waxaa ay siyaabo kala duwan ugu soo bandhigaan Saraakiil iyo Ciidamo uu midba midka kale sheego in uu isku soo dhiibay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...