Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in guddiga doorashada Xildhibaannada gobollada Waqooyi ee lagu muransan yahay ee ku xareysan Hotel Decale ay Talaadadii maanta doorteen guddoon cusub, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.
Guddigan oo Xukuumadda Soomaaliya soo magacawday ayaa ka mid ahaa Guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay guddigaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





