Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Dowladda Itoobiya oo waaran soo qabasho ah u jartay tobaneeyo Saraakiil Tigray ah

Addis Ababa (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saaray waaran qabasho ah 10 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray gudiga booliiska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyagoo ka amar qaadanayay madaxda sare ee kooxda TPLF ee fadhigoodu yahay gobolka Tigray, sida lagu sheegay Warbixinta Booliska.

Sidoo kale, waxaa Saraakiisha waaran soo qabashada ah loo jaray lagu Eedeeyay in si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaateen qorshooyinkii khatar ku ah nidaamka dastuurka iyo Amniga dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga Booliska Federaalka Itoobiya, saraakiisha booliska ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay.

1 – Taliye Solomon Abrha Bisrat

2- Taliye Hailemariam Berhane G / Mariam

3- Ku-xigeenka Kormeeraha Kibrom Gebru G / Egziabher

4- Kuxigeenka Isbatooraha Aregawi G / Hiwot Asfaw

5- Kaaliyaha Isbatooraha Geza’e G / Hiwot G / Silassie

6- Kaaliyaha Isbatooraha Tesfa Kiros Gidey

7- Kaaliyaha Kormeeraha Araya G / Anania Kidanu

8- Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi

9- Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam

10 – Chief Sajin Haftu Kahsay

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...